Ardayda u fariistay imtixaanka KCPE-da ee sanad dugsiyeedkii 2021 oo shalay la shaaciyay ayaa aqlabiyadooda soo hooyay buundooyin u dhexeya 200 ilaa 299 .
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Kenya Prof. George Magoha ayaa sheegay in tiradan ay u dhiganta boqolkiiba 47.
Waxaa uu xusay in ardayda helay buundooyin u dhexeya 300 ilaa 399 ay tiradoodu tahay boqolkiiba 25.
Sidoo kale keliya boqolkiiba 0.9 ayaa helay buundooyin ka sarreeya 400 halka inta soo hooyay natiijo ka hooseysa 100 ay yihiin boqolkiiba 0.1.
Dhanka kale 14-ka arday ee ugu horreeyay dhanka buundooyinka , 6 ka mid ah waa gabdho.
Ardayda gabdhaha ee sameeyay imtixaanka KCPE-da ayaa wiilasha kaga fiicnaa maaddooyinka luuqadaha ee Ingiriiska iyo Sawaaxiliga.
Waxaa imtixaanka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee 2021-ka u fariistay arday dhan 1,214,031 guud ahaan wadanka.
Ilaa 9,000 oo ah arday ka soo jeedo qoysas danyar ah ayaa ka faa’iidaysan doono deeqda waxbarasho ee Elimu oo ka kaafin doonto tacliinta dugsiga sare.




