Boqolaal qof oo lagu dilay Qaza 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay

0
229

Agaasimaha Guud ee xafiiska wabaahinta ee maamulka magaalada Qaza ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay in ka badan 700 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Qaza.
Ururka Xamaas ayaa dhankiisa wacad ku maray in wada hadalladii kala dhexeyay Israa’iil ee maxaabiista la isku dhaafsanayay aynan sii socon doonin.
Waxay sheegeen inay qasab tahay in marka hore ay Israa’iil joojiso weerarrada ay weli ka wado gudaha Qaza.
Shalay ayay ahayd markii ay Israa’iil dib ugu yeertay dhexdhexaadiyayaasha ku matalaya Qatar.
Waxay go’aankaasi u aaneysay in Xamaas ay ku xadgudubtay qodobbada heshiiskii la gaaray.