Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Talaadadii caasimadda Suudaan iyagoo dalbanaya in cadaalad ay helaan banaanbaxayaasha lagu dilay dibad baxyadii looga soo horjeeday dowladda ee horseeday in xukunka laga tuuro madaxweyne Cumar Al-Bashiir in ka badan laba sano ka hor.
Dibadbaxa ayaa lagu qabtay bannaanka xarunta dhexe ee ciidamada ee Khartuum goobtii ay kumanaan qof isugu soo baxeen 2019-kii oo dalbanayay in Bashiir uu xilka ka dago xukunkana lagu wareejiyo rayidka.
Bannaanbaxa Talaadadii ayaa bilaabmay wax yar ka hor afurka maadama lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Waxaa la arkayay dhalinyaro banaanbaxayay oo watay boorar iyo sawirada dadkii lagu dilay mudaharaadyadii 2019-kii.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha.