Boqolaal ka mid ah taagerayaasha Imran Khan oo la xiray

0
401

Ciidamada booliska ee dalka Pakistan ayaa gacanta ku dhigay boqolaal ka mid ah taageerayasha ra’iisul wasaarihii wadankaasi Imran Khan ee xilka laga qaaday.
Tani ayaa imaanaysa ka hor inta uusan dhicin dibadbax ballaaran oo uu ku baaqay mas’uulkan hore si dowladda loogu cadaadiyo inay doorashooyin cusub qabato.
Bishii hore ayay ahayd markii xubnaha baarlamaanka ay kalsoonida kala laabteen Khan hasa ahaate waxaa uu tan iyo xilligaasi cadaadis saarayay maamulka cusub ee ku meel gaarka ah.
Sarkaal ka tirsan booliska oo warbaahinta kula hadlay magaalada Lahore ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga PTI ee Imran Khan lagu xiray gobolka Punjab.
Wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay inay howlgallo ka sameyeen guriyaha taageerayaasha halkaaso in ka badan oo ka mid ah lagu qabqabtay.
Imran Khan ayaa wacad ku maray in mudaharaadyada ay sii soconayaan ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi laga kala diraya si doorasho ay u dhacdo.
Wasiirkii warfaafinta ee xukuumaddii Khan ,Fawad Chaudhry, ayaa ciidamada booliska ku eedeyay inay xalay howlgallo sameyeen iyagoo aan oggolaansho haysan.
Tirada taageerayaasha xisbiga PTI ee la xiray ayuu ku sheegay ugu yaraan 400 oo qof.
Waxaa uu intaasi raaciyay in guriyaha howlgallada laga sameeyay ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 1,100.
Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Fawad Chaudhry ku sheegay in saraakiisha ammaanka ay aflagadeeyeen haween iyo carruur in kastoo aynan weli eedeyntan qiran ama iska fogeyn.
Booliska ayaan weli si rasmi ah faahfaahin uga bixin eedeymaha iyo xarigga taageerayaasha Khan.
Imran Khan ayaa maanta soo saaray qoraal uu ku sheegayo in taagerayaashiisa ay xaq u leeyihiin inay si nabad ah u dibadbaxaan.