Waxaa lagu soo warramayaa in boqolaal ka mid ah shacabka dalka Armenia ay bilaabeen inay ka qaxaan gobolka ay dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh.
Tani ayaa ah barakicii ugu horreeyay ee ka dhashay duullaanka ay dowladda Azerbaijan ku doonaysa inay aaggaasi kula wareegto.
Dowladda Armenia ayaa laga soo xigtay in ilaa gelinkii dambe ee shalay ay qaxeen 377 qof kuwaasoo ka soo cararay dhanka Azerbaijan oo u gudbay Armenia.