Boqolaal hooyooyinka uurka leh oo halis ku jira iyada oo dowladda ay joojisay maalgelinta isbitaallada heerka labaad

0
39

Boqolaal hooyooyinka uurka leh ee ku nool miyiga dalka ayaa halis ugu jira go’aan ka soo baxay wasaaradda caafimaadka oo lagu joojiyay maalgelinta dhalmada ee isbitaallada heerka labaad iyo xarumaha caafimaadka.
Golaha barasaabyada ee CoG ayaa sheegay in tallaabadan ay durba keentay in ay hoos u dhacaan tirada haweenka ku umula xarumaha caafimaadka ee dalka.
Ugu yaraan 924 hooyooyin ah iyo 10,000 oo dhallaan ah ayaa naftooda ku waayey isbitaallo kala duwan tan iyo bilowgii sanadkan.
CoG ayaa waxaa ay su’aal ka keneen go’aanka Wasaaradda Caafimaadka ee ay ku joojinayso dib u bixinta umusha hooyada ee heerkeeda kala duwan, iyada oo la tixraacayo sheegashada wasaaradda ee ah in xarumahan oo kale aysan lahayn sariiro ku filan iyo awood qaabilaad.
Guddoomiyayaasha ismaamullada ayaa ku doodaya in hooyooyin badan, gaar ahaan kuwa ku nool miyiga iyo meelaha fogfog ay helaan oo kaliya adeegga xaruumaha caafimaad ee heerka labaad.
Iyagoo ka hadlay intii lagu guda jiray daah furka hindisaha ka hortagga dhimashada hooyada iyo dhallaanka ee ka dhexeeya dowlad deegaannada, oo inta badan loo yaqaan MPDSR, Gudoomiyayaasha ayaa ugu baaqay wasaaradda in ay joojiso siyaasadeynta SHA oo ay hubiso in waqtiga iyo si buuxda loo bixiyo sheegashooyinka.
Tirakoobkii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in Kenya ay lumiso 5,680 hooyooyin ah iyo 33,600 oo dhallaan ah sanad walba, tiradaas oo ay khubarada caafimaadka ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo aad u sarreeya xitaa iyadoo waddanka uu sii wado horumarka uu ka sameynayo dhanka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in aysan jirin amar lagu joojinayo bixinta kharashka umulka ee xarun kasta, iyadoo aan loo eegin heerka ay tahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa ay xustay in xaruumaha caafimaad ee heerka labaad aysan haysan shatiga bixinta adeegyada bukaan jiifka ee hoos yimaada xeerarka golaha KMPDC, gaar ahaan heerarka KEPH, oo ay tahay inay maalgashadaan cusboonaysiinta kaabayaashooda.
MPDSR ayaa gacan ka geysan doona la socodka iyo wax ka qabashada iskaashiga ee dhimashada hooyada iyo dhallaanka ee dowlad deegaannada oo dhan.