Iyadoo in ka badan 400 oo qof ay dhinteen 3,550 kalena ay ku dhaawacmeen iskahorimaadyada Suudaan, ardayda Kenyanka ah waxay u jiheysteen dhanka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ardayda Kenyaanka ah ayaa safar dhan ka lugta ah ku galaya dalka Itoobiya ka dib markii ay heli waayeen duulimaad diyaarad sababo la xariirta xiriira burbur xooggan oo soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartoum dhinacyadii dagaalamay owgeeda.
Waxaa go’ay qadka isgaarsiinta ee internetka dalka Sudan kaas oo saameyn adag ku yeelatay muwaadiniinta ku sugan dalkaas.
Dr Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegay in dowladda ay diiradda saarayso sidii dadka Kenyaanka ah ay uga saari lahaayeen dhibaatada ku heysta Sudan.