Askar ka tirsan ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea, ayaa maanta xirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan.
Ciidamadan ayaa dhowr bilood ka hor markii dalka dib loogu soo celiyay waxay qaybtooda ka soo jeeda Puntland tageen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, iyagoo lagu daray ciidamada mariiniska Puntland ee uu taageero dowladda Isu tagga Imaaraatka Carabta.
Maanta ayay ciidankan la wareegeen kantaroolka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo halkaas ku soo rogay Bandow ka dhan ah dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.
Falkan ayaa ku soo beegmay xilli magaalada Boosaaso uu maanta ka dhacay qarax sida wararku sheegayaan uu ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland, ilaaladiisa iyo dad shacab ah.
Gaari uu la socday taliyaha ayaa lala eegtay qarax miinada dhulka lagu aaso.
Lama oga cidda ka dambeysa, inkastoo qaraxyadii dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Boosaaso ay sheegteen kooxda Al-Shabaab.
Home Wararka Soomaaliya Boosaaso: Ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo xirtay garoonka diyaaradaha ee...