Ciidamada booliska ee magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska ayaa guda galay baaritaano lagu xaqiijinayo hadal dhawaan uu sheegay orodyahaanka Olimbikada ee caanka ah Mo Farah.
Xilli uu wareysi bixinayay ayuu xusay in Ingiriiska si sharci darro ah lagu geliyay isagoo yar.
Waxaa uu Mo Farah sheegay in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin.
Booliska London ayaa bayaan ay maanta soo saareen ku sheegay inay ka war qabaan wararka ay warbaahintu tabisay ee ku saabsan orodyahanka in kastoo aan si rasmi ah loola wadaagin.
Bayaanka waxaa ku cad in ciidamada ammaanka ay arrintan hadda eegayaan iyagoo dabagal ku sameynaya macluumaad la hayo.