Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbeddel ku sameeyey Afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed U magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa Saraakiisha firfircoon ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sidoo kalena ahaa ku Simaha Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Gashaanle C/Fitaax Aadan Xasan ayaa waxa uu bedelayaa Col Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo ah Sarkaal Dhalinyaro ah ayaa haDda kadib ka warbixin doonaa Shaqooyinka ay qabtaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin howlgallada ay Ciidamadu Fuliyaan.