Ciidamada booliska ee ismaamulka Siaya ayaa ku howlan baaritaano lagu xaqiijinaya sida uu u dhacay dil loo gaystay wiil ay da’diisu ahayd 19 sano jir.
Dilka ayaa lala xiriiriyay koox burcad ah oo wiilka soo weerartay xilli uu ka shaqeynayay dukaan ku yaalla Siaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wiilka oo la raadinayay saddex cisho ugu dambeyn meydkiisa lagu arkay agagaarka waddada iyadoo qaybo ka mid ah xubnaha jirkiisa la jarjaray.
Waxaa dilka iyo baaritaannada ku aaddan ee socdo warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee saldhigga deegaanka Alego-Usonga Benedict Mwangangi.
Taliyaha ayaa intaasi raaciyay in wiilka uu ka mid ahaa ardaydii sanadkan u fariistay imtixaanka shahaaddiga ee KCSE-da .
Meydka ayaa la dhigay goobta meydadka ee isbitaalka guud ee Siaya.