Wargeyska Standard ee ka soo baxo gudaha dalka oo soo xiganaya ilo wareedyo ka tirsan booliiska ayaa ku warramaya in hal qof loo xiray dilka haweeney ka mid ahayd shaqaalaha sanduuqa qaran ee caymiska caafimaadka NHIF .
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Mary Lilian Waithera lagu dhex toogtay magaalada.
Waithera ayaa qof ay wada shaqeeyaan ayaa Isniintii hore xilli ay marayeen waddada Kaunda Street waxay ka cabatay xanuun ka dibna way dhacday.
Waxaa la geeyay isbitaalka Nairobi oo ay ku geeriyootay.
Baaritaan meydkeeda lagu sameeyay Arbacadii ayaa lagu ogaaday inay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray toogaasho.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii laamaha amaanka ay meesha ka saareen in haweeneydan la khaarajiyay.




