Afhayeenka ciidamada booliska ee dalka Bruno Shioso ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in doorashada guud ee 9-ka bisha soo socoto ay ku dhici doonto jawi deggan maadaama amniga si wayn loo adkeynaya.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay dejisay tallaabooyin ku aaddan xaqiijinta amniga doorashooyinka.
Afhayeenka ciidamada ammaanka oo la hadlay idaacadda Capital FM ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo jawi xasiloon.
Shioso ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay sameynayso wax kasta oo ay awooddo si looga hor tago falalka wax u dhimaya nabadgalyada.
Waxaa uu kenyaanka ka codsaday inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si ay u sugaan amniga dalka.
Hadalka Bruno ayaa ku soo aadaya iyadoo qaybo ka mid ah wadanka laga soo tabiyay rabshado la xiriira dhaca xoolaha.
Waxaa uu dhanka kale shacabka ugu baaqay inay mar kasta degganaansho muujiyaan oo ay nabadda ku dadaalaan gaar ahaan xilliga doorashada iyo ka dib, ayna la shaqeeyaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso xaqiijinta ammaanka oo uu ka mid yahay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC si ay u qabtaan doorashooyin nabdoon.
Mar uu ka hadlay xaaladda amni ee dalka ayuu Shioso sheegay in inta badan wadanka uu yahay mid ammaan ah marka laga reebo dhowr ismaamul oo xaalad amni darro laga soo tabiyay.
Afhayeenka booliska dalka ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay dowlad deegaanno ay ka mid yihiin Lamu iyo Marsabit oo uu sheegay in dowladda ay ku dadaalayso sidii ay dib ugu soo celin lahayd xasiloonidii ismaamulladaasi oo ay horay uga dhaceen falal amni darro.
Waxaa uu tilmaamay in bandowga haatan ka jiro qaybo ka mid ah wadanka uu qayb wayn ka qaadanaya soo celinta nabadda goobihii ay horay dhibaatooyinka amni u saameeyeen.
“Dadka ku nool goobaha lagu soo rogay bandowga runtii aad ayay u faraxsan yihiin, tusaale ahaan ismaamulka Marsabit, bandowga wuxuu ahaa hal bil, balse waxaan ku qasbanaanay inaan bil kale ku kordhinno, sababtoo ah dadka deegaanka ayaa codsaday waxay inoo sheegeen inay aad ugu kalsoon yihiin saraakiisha amniga ee goobta jooga.” ayuu yiri afhayeenka booliska Kenya.
Waxaa uu ugu dambeyn xusay, in haddii goobahan aan bandow lagu soo rogi lahayn xilliga doorashada ay dhibaatooyin ka dhici lahaayeen.
Dhanka kale waxaa uu afhayeenka booliska dalka sheegay in la sameeyay dadaallo lagu xakameynaya dhaqdhaqaaqa kooxda burcadda ee la magac baxday “Confirm” ee dhibaatooyin u gaysatay shacabka ismaamulka Nakuru.




