Booliska oo xabsiga ku siiheyn doona rag dilay arday jaamacadeed

0
540

Labo nin oo looga shakisan yahay inay ahaayeen burcad kuwaas oo lala xariirinaya dilka arday wax ka baranayay jaamacada Jomo kenyaatta ayaa ku sii jiri doona gacanta booliska ilaa mudo 14 cisho ah si baaritaanadooda loo soo gabagabeeyo.
Maxkmada ayaa booliska fursad u siisay inay xabsiga ku sii hayaan.
Ardayga la dilay dhawaan oo lagu magacaabo Joel Juma ayaa sanadkii afaraad ku jiray jaamacada Jomo Kenyaatta.
Madaxa ciidamada dambi barista Juja Richard Mwaura ayaa sheegay in koox ka kooban toddobo oo ka tirsanaa ciidamada dambi barista ay iska kaashadeen soo qabashada ragaas.
Tuhmanayaashaasi ayaa wajahayaa dacwado ka dhan ah dil.