Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay inay ka war heshay muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada.
Muuqaalka oo ah ilaa 45 ilbiriqsi ayaa laga dhex arkayaa sarkaal boolis ah oo isagoo hubeysan kuna labbisan dareeska ciidamada u goodinaya qaybo ka mid ah bulshada.
Dadweynaha ayaa la maqlayaa iyagoo canaananaya askariga ka dib markii uu sheegay inuu baaritaan ku sameynayo dad ka ganacsado maandooriyaha xashiishka.
Qoraalka waaxda qaran ee adeegga booliska waxaa ku cad in askariga muuqaalka laga duubay uu daroogeysnaa .
Taliyaha booliska ee ismaamulka Laikipia ayaa lagu amray inuu askariga tallaabo edbin ah ka qaado.
Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Bruno Shioso ayaa habdhaqanka sarkaalka ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro laga dheehan karo oo dembi ah salna aan ku lahayn shaqada loo igmaday.