Booliska oo Turkana ku xiray qof loo haysto burcadnimo

0
413

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Turkana ayaa gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Gedion Emojong.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu dhac hantiyeed iyo falal kale oo burcadnimo uu ka gaystay waddada wayn ee aagga Lorogon ee dowlad deegaanka Turkana.
Sidoo kale waxaa loo haystaa inuu ka dambeeyay qorsho horraantii bishan geel looga kaxeystay ceel biyoodka Kalemorok ee bariga Turkana.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ee NPS ayaa bayaan ku sheegtay in eedeysanaha la soo xiray aroornimadii hore ee maanta ka dib markii saraakiisha ammaanka oo waaxyo kala duwan ka tirsan ay howlgal fuliyeen.
Howlgalka oo la doonayo in waqooyiga gobolka Rift Valley looga cirib tiro falal dambiyeedyada ayaa yimid ka dib xog ay laamaha amniga ka heleen dadweynaha.
Booliska oo shacabka u mahadceliyay ayaa dhanka kale ku boorriyey inay sii wadaan qaabka ay ugala shaqeynayaan sidii xasilooni loogu soo celin lahaa deegaanadaasi.
Tuhmanaha oo lagu tilmaamay shakhsi dembiyada noocan ah lagu yaqaano ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska ee Kanuk ka hor inta aan la qaadin tallaabada xigta.