Booliska oo qirtay in ay ka gaabiyeen musiibadii ka dhacday ismaamulka Kilifi

0
448

Adeegga Booliiska Qaranka (NPS) ayaa qirtay in habacsanaan ka timid laamaha ammaanka ay keentey musiibadii ka dhacday keynta Kwa Binzaro ee ismaamulka Kilifi .
Booliska ayaa cadeeyay in gaabis ka timid dhanka sirdoonka, baaritaannada, iyo isku-dubbaridka hay’adaha amniga ay gacan ka geysteen dadka meydadkooda laga soo saarey qabuuraha Binzaro.
Afhayeenka booliiska dalka Michael Muchiri oo la hadlay warbaahinta ayaa qiray in inkastoo casharro laga soo qaatay masiibadii Shakahola ee dalka ka dhacday sanadkii hore, haddana xaalad la mid ah ay mar kale ku soo laabatay Kenya taasoo keentay in su’aalo la iska weydiiyo u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha dalka ku soo fool leh.
Waxa uu qirtay in uu khalad dhacay, waxa uuna ballan qaaday in uu dib u eegis dhamaystiran ku samayn doono si loo ogaado sababta keentay in musiibada noocan oo kale ah ay soo noqoto.
Hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Keynta Binzaro ayaa waxaa lagu soo saarey meydad dhan 37 ruux oo la rumaysan yahay inay u dhinteen arrimo xagjir ah.
Hawlgalada soo saarista meydadka ayaa la hakiyay si baaritaanno loogu soo sameeyo meydadka ilaa haatan la soo saaray.
Dowladda ayaa ugu baaqdey qoysaska dhibanayaasha ah in ay dulqaad muujiyaan inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada socda.
In ka badan 60 qof ayaa laga cabsi qaba in ay ku aasan yihiin Keynta Binzaro ee ismaamulka Kilifi kuwaas oo u dhintay caqiido aan wanaagsaneen oo laga dhaadhiciyay