Booliska oo qabtay maxbuus ka baxsaday xabsiga Kerugoya

0
286

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kirinyaga ayaa gacanta ku dhigay maxbuus aroornimadii hore ee shalay ka soo baxsaday xabsiga magaalada Kerugoya ee dowlad deegaankaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan ay wehelinayeen labo kale oo la xirnaa oo aan weli la soo qaban.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhacdadan ka dib uu guddoomiyaha ciidamada asluubta wadanka John Warioba gaaray xabsiga Kerugoya.
Waxaa baaritaano lagu hayaa sida ay ku suurtagashay in qofka la soo qabtay iyo labada kale ee la raadinaya ay xarunta ka baxsadaan.
Waxaa uu sheegay in maxaabiista lagu daba jiro loo haysto dil ay horraantii sanadkan u gaysteen arday dhiganayay jaamacadda Kirinyaga iyo dhac ay awood u adeegsadeen.
Xabsiga ayaa si ku meel gaar ah loogu hayay ka hor inta aan berri maxkamad la soo taagin.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kirinyaga ,Matthew Mangira ayaa warbaahinta u sheegay in lagu raadjoogo labada shakhsi ee baxsadka ah.