Booliska oo ka falceliyay dhac laga gaysanayay xaafadda Kilimani ee Nairobi

0
638

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay ka falceliyeen fal xatooyo ah oo laga gaysanayay magaala madaxda wadanka gaar ahaan xaafadda Kilimani.
Labo rag oo hubeysan ayaa doonayay inay baabuur dhacaan.
Hasa ahaate saraakiisha booliska ayaa si degdeg ah ula tacaalay halkaaso ay ku dhaawaceen burcadda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in goobta laga soo helay afar ka mid ah taleefoonada gacanta iyo saddex qori oo ay ku jirto rasaas aan la isticmaalin.