Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa dib u helay hub saddex toddobaad ka hor ay burcad ka qaadatay saraakiil ay ku dishay bariga ismaamulka Turkana.
Qoryahan oo gaaraya shan ayaa ah nooca loo yaqaano G3.
Weerarkan oo la soo tabiyay 25-kii bishii hore oo lagu eedeyay burcadda xoolaha dhacda ee Pokot ayaa waxaa ku dhintay 11 qof .
Dadkan ayaa isugu jiray 8 ka mid ah ciidamada ammaanka, guddoomiye xaafadeed iyo labo ruux oo shacab ah.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ee (NPS) ayaa sheegtay in hubka dib loo helay ka dib howlgal ballaaran oo ay sameyeen waaxyaha kala duwan ee amniga.
Taliyaha howlgalkan hoggaaminayay Joseph Limo ayaa saraakiisha ku amaanay inay ka hor tageen weerar la doonayay in laga gaysto Koonfurta Turkana.