Booliska oo gacanta ku dhigay nin ka ganacsanayay daroogada ee Magaalada Moyale

0
641

Qof looga shakisan yahay inuu ka ganacsanayay daroogada ayaa la qabtay, waxaana uu siday shixnad maandooriyaha nooca kokain-ta ah.
Hawlgal ka dhacay waqooyiga dalka gaar ahaana magaalada Mooyaale ayaa lagu soo qabtay maandooriyaahaas iyo qofkii watay sida laamaha ammaanka sheegeen.
Warbixin ka soo baxday Booliska, Eedeysanaha ayaa gacanta lagu dhigay xilli uu doonayay in uu meel kale u dhoofiyo maandooriyaha.
Booliska ayaa u suurtagashay in ninkaas ay xiraan ka dib markii ay dhexda u galeen bas ka yimid magaalada Mooyaale kuna soo jeeday magaalada caasimada ah ee Nairobi.
Eedeysanaha ayaa hadda ku xiran saldhiga Mooyaale, iyadoo ciidamada la dagaalanka maandooriyaha ay baaritaan ku hayaan.