Booliska oo baaraya labo qof oo koronto ku dishay ismaamulka Kiambu

0
118

Booliska ayaa baaraya dhacdo ay koronto ku dishay labo ka mid ah shaqaalaha dukaan ganacsi oo ku yaalla dmagaalada Nderi, ee deegaanka Kikuyu, ismaamulka Kiambu.
Labada qof ayaa la rumeysan yahay inay ku jireen jiko xili uu ku dhagay silig koronto.
Booliska ayaa sheegay in meydadka Silas Kiprotich Keter oo 36 jir ah iyo Peter Kinyanjui Njeri oo 33 jir ah laga helay barkad biyo ah oo ku taal jikada.
Meydadka ayaa loo qaaday goobta meydadka lagu keydiyo iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo.
Saraakiisha ayaa bilaabay olole wax looga qabanayo kiisaska kororka koronto ee guryaha iyo goobaha shaqada.