Ciidamada booliska ee dalka ayaa guda galay baaritaano ku aaddan dil lagula kacay wariye ka mid ahayd shaqaalaha warbaahinta qaranka ee KBC.
Laamaha ammaanka ayaa ku dadaalaya in ay ogadaan sababta keentay iyo cidii ka dambeysay toogasho galinkii dambe ee shalay lagu dilay Betty Barasa.
Haweeneydan ayaa lagu toogtay hooygeeda oo ku yaalla xaafadda Ololua ee Ngong ee ismaamulka Kajiado wax yar un ka dib markii ay ka soo laabatay goobteeda shaqo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in burcad ka kooban saddex qof ay wariyaha ka dalbadeen in ay lacag bixiso kadibna markii ay ka diiday ay toogteen.
Qaar ka mid ah qoyskeeda ayaa sheegay in ay rasaas maqleen ugu dambeyna arkeen meydka Betty Barasa.
Wararka ayaa tilmaamaya in burcadda ay sidoo kale goobta kala baxsatay kombiyuutar iyo taleefoonka gacanta.
Mrs. Betty ayaa lagu sheegay wariye aad u dadaal badnayd oo ay ka go’anayd gudashada waajibaadka shaqo.