Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada booliska ee ismaamulka Nandi ay billaabeen raadinta askari fal kufsi ah u gaystay haweeney maxbuus ahayd.
Wararka ayaa tilmaamaya in falkan haweeneyda lagula kacay shalay.
Sarkaalka kufsiga gaystay ee baxsadka ah ayuu fadhigiisu ahaa saldhigga booliska ee Kaimosi ee dowlad deegaanka Nandi.
Waxaa ay dhibbanaha sheegtay in askariga uu qolkii ay ku xirneyd kaligii ugu soo galay, isagoona u sheegay in ay u yeereyso taliyaha saldhiggaasi.
Haweeneyda ayaa intaasi ku dartay in askariga uu ku hubaysnaa qori, isagoona ku amray inay gasho qolkii ay ku jirtay midkii ku xigay si warbixin looga qoro, balse uu kula kacay fal kufsi ah.
Askariga ayaa haweeneyda uu dhibaateeyay saacado ka dib ku celiyay qolkii ay ku xirneyd.
Hasa ahaate wuxuu ugu goodiyay inuu dili doono haddii ay sheegto sida ay wax u dhaceen.
Haweeneyda dhibbanaha ayaa 14-kii bishii hore loo xiray dambi la xiriira xatooyada carruurta.




