Booliska magaalada Kiambu oo xiray rag lagu eedeeyay Dhac

0
549

Booliska magaalada Kiambu ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo looga shakisan yahay in ay falal burcadnimo ah ka geysteen magaalooyinka Embakasi iyo Kikuyu.
Eedeysanayaasha oo magacyadooda lagu kala sheegay Kelvin Kasyoki Kyalo iyo Wilson Ngethe Waweru, ayaa laga soo qabtay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla magaalada Thogoto ee ismaamulka Kiambu, iyagoo ku dhex jiray gaari nooca Mazda CX-5.
Booliisku waxay sheegeen in gaadhiga lambarkiisii asalka ahaa ee KDC 077P, la bedelay si loogu gaysto falal dambiyeedyo.
Raggaasi ayaa hada ku jiraa saldhig Booliis iyagoo la filayaa in la soo taago maxkmadda usbuuca dambe.