Booliska Kisumu oo qabtay 3 eedeysane oo sitay foolasha maroodiga

0
347

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kisumu ayaa gacanta ku dhigay saddex eedeysanayaal oo sitay foolasha maroodiga.
Labo ka mid ah eedeysanayaasha ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Tanzania, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Mchubo Paswa, oo 42 sano jir ah iyo Lemintiye Mbukoti oo 27 jir.
Waxaa eedeysanaha saddexaad ee u dhashay Kenya magaciisa lagu sheegay Wilson Korio oo ay da’diisu tahay 52 sano jir.
Dadkan ayaa loo haystaa inay ku howlan yihiin ganacsiga sharci darrada ee lagu bartilmaamedsado duur joogta.
Foolasha maroodiga oo 8 xabbo ah ayaa mug ahaan dhan 16 kiilogaraam, islamarkaana qiimahoodu yahay in ka badan 500,000 oo shilinka dalka ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dambi baariyaasha ismaamulka Kisumu ay xog heleen ka dibna ay xiriir la sameeyeen waaxda adeegga duurjoogta Kenya ee KWS, taas oo suurtagelisay in eedeysanayaasha gacanta lagu soo dhigo.
Tuhmane afaraad oo la sheegay inuu isku dayay inuu badbaadiyo asxaabtiisa la qabtay ayay saraakiisha ammaanka ka togteen gacmaha, ka hor inta uusan ku baxsan mooto.
Dhanka kale, 3-da eedeysane ee la qabtay ayaa xabsiga ku sii jiraya ilaa berri oo maxkamad la soo taagi doono.