Booliska Kisumu oo baaraya dil arday loo gaystay

0
676

Ciidamada booliska ee ismaamulka Kisumu ayaa weli ku howlan baaritaano la xiriira dil habeen hore loo gaystay mid ka mid ah ardayda jaamacadda Maseno ee dowlad deegaankaasi.
Meydka ardayga oo da’diisu lagu sheegay 22 sano ayaa laga helay meel duur ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu yimid ka dib weerar ay soo qaadday burcad hubeysan.
Warbixinta booliska magaalada Maseno ayaa muujinaysa in weerarka lala eegtay ardayga dhintay iyo saaxiibkiisa oo baxsaday xilli ay ka yimaadeen goob lagu caweeyo.