Booliska Japan oo war ka soo saaray toogashadii Abe

0
589

Ciidamada booliska dalka Japan ayaa sheegay in qofka looga shakisanaa inuu ka dambeeyay toogashadii loo gaystay ra’iisul wasaarihii wadankaasi Shinzo Abe uu qirtay inuu siyaasiga bartilmaameedsanayay.
Waxaa uu tuhmanaha sheegay inuu cuqdad u qabay hay’ad lala xiriirinayo Abe.
Booliska ayaa magaca eedeysanaha ku sheegay Tetsuya Yamagami oo 41 sano jir ah.
Ninkan ayaa sheegay inuu Shinzo Abe ku toogtay qori gacan ku sameys ah.