Ciidamada ammaanka ee dalka Haiti ayaa sheegay inay dileen 4 qof oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen falkii habeen hore looga takhalusay hoggaamiyihii wadankaasi Jovenel Moise.
Waxaa gacanta lagu dhigay labo tuhmanayaal oo kale.
Agaasimaha guud ee booliska Haiti Leon Charles ayaa shakhsiyaadka la dilay ku sheegay kuwo halis ah.
Waxaa uu intaa ku daray in ay rasaas isdhaafsadeen saraakiisha ammaanka iyo kooxda la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilkii madaxweyne Moise oo ila iyo hadda aynan caddeyn sababta keentay.