Booliska dalka Pakistan, ayaa dacwad ku soo oogay ra’iisul wasaarihii hore ee wadankaasi Imran Khan, iyadoo loo cuskaday sharciga la dagaalanka argagixisada.
Baaritaankooda ayaa yimid ka dib markii uu booliska iyo garsoorka ku eedeeyay in ay xireen oo ay jirdileen qof ay isku dhawaayeen.
Taageerayaasha Mr. Khan ayaa isugu soo baxay bannaanka gurigiisa iyagoo wacad ku maray inay la wareegi doonaan haddii la xiro.
Mar uu Sabtidii khudbad ka jeediyay meel fagaare ah ayuu Khan cambaareeyay taliyaha booliska Islamabad iyo haweeney xaakim ah oo uu ku eedeeyay xarigga saaxiibkiis oo ay isku xisbi yihiin iyo in ay si xun ula dhaqmeen.
“Waa in aad diyaar u ahaataan in aan annagana tallaabo idinka qaadi doono,” ayuu yiri isagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya labada mas’uul.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda la siiyay damiin ka hor inta aan la xirin ilaa Khamiista.
Tan iyo markii xukunka laga tuuray bishii Afaraad ee sanadkan, Mr Khan waxa uu si weyn u dhaleeceeyay dowladda iyo ciidamada dalkaasi.