Booliska dalka oo hawlgalo ka sameeyay xaafada dandora, nairobi.

0
358

Howlgal ka dhan ah daroogada ayay ciidamada Booliska dalka ka sameeyeen xaafada Dandora ee magaala madaxda dalka Nairobi.
Booliska ayaa beegsaday goobo si sharci darro ah loogu hagaajinayay khamri.
Intii uu socday howlgalka, boolisku waxay qabteen oo burburiyeen in ka badan 5,000 oo litir oo khamri ah oo goobta yaalay.
Intaa waxaa dheer, in Booliska ayaa goobtaas ka soo heleen waxyaabo cadeymo ah.
Mulkiilaha khamriga sharci darrada ah ayaa hadda baxsad ah.
Booliska ayaa ku daba jira eedaysanaha waxayna ka codsanayaan bulshada qaybaheeda kala duwan in ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xariira eedeysanahaas .
Adeegga Booliska Qaranka (NPS) waxa uu weli si adag uga go’an yahay la dagaallanka waxyaabaha sharci darrada ah iyo falalka kale ee khatar gelinaya caafimaadka, badbaadada, iyo fayo-qabka dadka Kenyaanka ah.