Booliska Baringo oo lagu wareejiyay hub sharci darro ah

0
385

Booliska degmada Kolowa ee ismaamulka Baringo, ayaa helay saddex qori oo ay dadweynuhu si iskood ah u soo dhiibeen 28kii bishan Sebtembar ee sanadkan 2025-ka.
Hubka la soo dhiibay oo ahaa nooca AK-47 oo ay ku jireen sideed xabo oo rasaas ah ayaa lagu wareejiyay kooxda amniga ee maamulkaas iyadoo lala kaashanayo qaab dhismeedka nabada deegaanka ee Kipnai.
Qoryaha iyo rasaasta la soo celiyay ayaa la hubiyay in si ammaan ah loo hayo.
Tan ayaa gacan ka geysanaysa hub ka dhigista iyo dadaallada nabad-raadinta ee socda ee lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaan waarta ee gobolka Dooxada Kerio.
Waaxda Adeegga Booliska Qaranku waxa uu bogaadinayaa wada shaqaynta joogtada ah ee shacabka, odayaasha iyo guddiyada nabadda, waxana ay dhiirigelinaysaa in taageero dheeraad ah laga bixiyo horumarinta nabadda iyada oo la adeegsanayo xog-wadaaga iyo dib u soo celinta hubka sharci-darrada ah.
Dadweynaha ayaa lagu booriyay inay sii wadaan taageerrada socda ee hawlgalka lagu soo celinayo hubka sharci darrada ah.