Ciidamada booliska ayaa billaabay baaritaan la xiriira dhacdo laga soo tabiyay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi oo ahayd goobtii dhexe ee lagu xaqiijinayay natiijadii xilka madaxtinimo oo uu guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati shaaca kaga qaaday in William Ruto oo ka guuleystay musharrixi ee tartameen Raila Odinga.
Booliska ayaa haatan dabagal ku sameynaya kaamerada duubta muuqaallada qarsoon ee loo yaqaano CCTV si ay tallaabada xigta uu qaadaan.
Bayaan ka soo baxay waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS, ayaa lagu sheegay in faylalaka kaameerada qarsoon ee CCTV mar hore la ururiyay oo loo gudbiyay agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo dhacdadaasi..
Booliska ayaa ugu yeeray cid walba oo hayso macluumaad ku saabsan arrintaasi inay soo gudbiso.