Booliiska Uganda oo beeniyay in la xiray Bobi Wine

0
254

Adeegga booliiska ee dalka Uganda ayaa beeniyay wararka sheegaya in la xiray madaxa xisbiga mucaaradka ee National Unity Platform (NUP) ee wadankaasi Bobi Wine.
Waxay wararkan ku tilmaameen kuwo aan xaqiiqada ku saleysnayn oo dacaayad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Guud ee xisbiga NUP ,
David Lewis Rubongoya uu bayaan ku sheegay in Bobi Wine la kaxeeyay ka dib markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Entebbe ka dib markii uu ka soo laabtay safar dibadeed oo uu ku tagay dalal ay ka mid tahay Koonfur Afrika.
Hasa ahaate booliiska Uganda ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay Bobi Wine weheliyeen ilaa uu ka gaaray hooygiisa Magere abaare 11:20 barqanimo ee maanta sidaasi awgeedna uu la midoobay xubnaha qoyskiisa iyo saaxiibadiisa.