Ciidamada booliiska ee degmada Katilu oo ka tirsan deegaanka Lodwar ee ismaamulka Turkana ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysanayaal oo lagu kala magacaabo Ekusi oo 18 sano jir ah iyo Ekalale oo ay da’diisu tahay 24 sano.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada arrinkan shaaca uga qaaday.
Labada ruux ayaa lagu tuhunsan yahay inay qayb ka yihiin koox burcad ah oo falal dambiyeedyo ka gaysta waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Kitale iyo Lodwar .
Booliiska ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha la qabtay iyagoo sita qori nooca Ak47 ah oo ay ku jiraan labo xirmo oo rasaas ah.
NPS ayaa dadweynaha uga mahadcelisay sida ay ula shaqeeyeen ciidamada booliiska ee fududeysay in tuhmanayaasha la soo xiro.
Dhanka kale adeegga qaran ee booliiska ayaa sheegay in saraakiil uu hor kacayay taliyaha booliiska ee bariga ismaamulka Wajeer ay qabteen afar eedeysanayaal iyagoo soo helay agab caafimaad oo la rumeysan yahay in laga xaday isbitaal dowladeed.
Eedeysanayaasha ayaa ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
ARREST OF MOST WANTED HIGHWAY ROBBERY SUSPECTS/RECOVERY OF FIREARM IN TURKANA pic.twitter.com/IcvM46KUkL
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) May 22, 2023
3/3
The duo were spotted within Smailele Village Kalemnng'orok Sub-Location,and upon search,an Ak47 Rifle loaded with 2 rounds of ammunition was recovered.NPS would like to thank members of the public for their collaboration with Police that led to the arrest of the two suspects— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) May 22, 2023