DHEGEYSO:Booliiska Tana River oo lagu soo wareejiyay hub sharci darro ah

0
280

Ugu yaraan kow iyo toban hub oo sharci darro ah ayaa loo dhiibay hay’adaha amniga ee ismaamulka Tana River toddobaadkii la soo dhaafay ka dib markii dowladdu ku dhawaaqday muddo cafis ah oo 60 maalmood ah.
Kow iyo tobanka hub ee la dhiibay, shan ka mid ah waxaa wareejiyay hoggaamiyeyaasha bulshada ee halkaas dega , halka lix ay soo dhiibeen xubno ka tirsan bulshada.
Lixda hub ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska Bangali waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay Guddoomiye Ku-xigeenka amniga dowladda dhexe ku matala Tana River, Joseph Kipkorir.
Isagoo hadlayay intii uu socday howlgalka, Kipkorir wuxuu ku boorriyay dadka deegaanka labada bulsho inay si buuxda uga faa’iidaystaan muddada cafiska oo ay si iskood ah u dhiibaan dhammaan hubka sharci darrada ah ee ay haystaan.
Wuxuu ka digay in kuwa ku guuldareysta inay u hoggaansamaan marka lixdan maalmood ay dhammaato ay wajihi doonaan tallaabooyin adag oo lagu fulinayo, iyadoo dowladdu ay u dhaqaaqeyso sidii ay dib ugu soo celin lahayd nabadda iyo xasilloonida dowlad deegaanka Tana River.