Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay rag kufsi wadareed yaab leh ka gaystay Muqdisho

0
661

Booliiska dalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay 5 nin oo ku eedeysan inay kufsi ka gaysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya eedeymo culus.
Raggan ayaa kufsaday hal gabadh, waxayna booliiska soo bandhigeen sawirradooda, inkastoo markii dambe ay warbaahinta ka codsadeen in sawirrada aan loo isticmaalin baraha bulshada.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigey Eedaysanayaal Kufsi Wadareed u gaystay gabadh Soomalaiyeed abaare 6-dii maqribnimo ee maanta, waxaa Howlgal lagu Soo qabtay 5 Eedeysane oo Kufsi wadareedkaasi u gaystey Gabadh Soomalaiyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliiska.
Eedeysanayaashan ayaa lagu sheegay qoraal inay Gabadha ku kufsadeen degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Si gaar ah kufsi wadareedkaasi ayaa gabadha loogu gaystay Waaxda Horseed ee degmada Xamarweyne, waxayna arrintaasi noqotay mid ka yaabisay dadka xaafadaasi ku nool.
Raggaan ayaa gabadha la galay guri jajaban oo ku yaala waaxdaasi, waxayna isku dayeen in kufsiga ka dib ay baxsadaan.
Booliiska degmada Xamarweyne oo kaashanaya shacabka ayaa dadaal dheer ka dib ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan raggii kufsiga u gaystay gabadha.
5-ta eedeysane ayaa hadda ku xiran saldhigga Booliiska Degmada Xamarweyne, waxaana la hor gaynayaa cadaaladda, sida lagu shaaciyay qoraalka booliiska.