Booliiska dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo uu Xalay fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaas oo isku qarxiyay Maqaaxida Blue Sky oo ku taalla xaafada Xaawa taako ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
War-saxafadeed ka soo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa uu ku dhintay hal qof kaliya oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Muqdisho ee Teleefishinka Somali Cable Cabdifitaax Macallin Nuur Qeys, islamarkaama ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.
Alle ha u naxariistee agaasime Cabdifitaax Macallin Nuur Qeys oo Meydkiisa la dhigay Mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa maanta lagu aasaya magaalada Muqdisho.
Qaraxa Ismiidaaminta ee Xalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ammaanka magaaladaasi uu muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, ka dib markii ciidamada dowladda ay kordhiyeen baarista Gaadiidka iyo dadka la socda si looga hortaggo qaraxyada iyo weerarrada kooxda Al-Shabaab.
Home Wararka Soomaaliya Booliiska Soomaaliya oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho...