Ciidanka Booliiska ee jamhuuriyadda Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay Eedeysane Ifsa Axmad Shariif, oo ku Eedeysan in uu ku dilay Magaalada Hargeysa Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 sano jir
Eedeysanahan oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa Marxuumka Feer jilib uu ku dhuftay, Dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed Ee ku yaalla Magaalada Hargeysa hortiisa, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliiska.Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdadan, waxay Saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.
“Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo Alle talo saaranaaya ayaa lagu yiri” Qoraal ka soo baxay Booliiska Somaliland.
Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku ayaa shacabka Somaliland guud ahaantood ku a,maanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.
Home Wararka Soomaaliya Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay nin wiil dhallinyaro ah ku dilay...