Booliiska oo xashiish ku qabtay Kakamega

0
602

Ciidamada booliiska ee deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega ayaa qabtay nooca maandooriyaha ee xashiishka.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa laga soo xigtay inuu baxsaday qofkii maandooriyaha oo 25 kiilogaraam ah ku siday mooto.
Bayaanka waxaa ku cad in ciidamada ay raadinayaan tuhmanaha baxsadka ah.
NPS ayaa intaasi ku dartay in ay ka go’an tahay la dagaallanka balwadda sharci darrada ah.
Dhanka kale , waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa billowday baaritaanno ku aaddan kooxo da’yar oo burcad ah.
Kooxahan ayaa ka billowday xaafadda Umoja ee ismaamulka Nairobi iyo agagaarkeeda.
Waaxda ayaa sheegtay in howlgal laga sameeyay xaafadda Buruburu lagu soo xiray 14 da’yar ah oo isugu jiro 10 wiil iyo 4 gabdhood kuwaasi oo ku eedeysan falal burcadnimo.