Booliiska oo xaqiijiyay in la soo helay hubkii loo adeegsaday dilka xildhibaankii deegaanka Kasipul

0
713

Taliyaha guud ee ciidamada Booliiska dalka Douglas Kanja ayaa xaqiijiyay in laba qori loo malaynayo in loo adeegsaday falal dambiyeedyo ka kala dhacay ismaamulada Nairobi iyo Kiambu ay booliiska soo heleen.
Waxaa uu intaas ku daray in hubkaas loo adeegsaday dilka xildhibaankii deegaanka Kasipul Charles Were.
Toban tuhmane ayaa hadda ku jira xabsiga booliska kuwaas oo lagu tuhmayo dilka xildhibaankii Kasipul ee ismaamulka Homa Bay.
Horumar weyn oo laga gaaray baaritaanka socda, Kanja ayaa shaaca ka qaaday in hub la rumeysan yahay in loo adeegsaday dilka taasi oo ahayd bastoolad laga helay guriga mid ka mid ah tuhmanayaasha.
Darawalkii xildhibaanka la khaarajiyay iyo ilaaliyihiisa ayaa ka mid ah dadka su’aalo laga weydinaya dilka Were.
Qaar ka mid ah ragga loo xiray dilka xildhibaanka Kasipul ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxda halista badan ee Mujahidiin kuwaas oo dhac badan ka gaystay ismaamulka Nairobi.