Saraakiisha ka howlgalo saldhigga booliiska ee Garbatula ee ismaamulka Isiolo ayaa dib u soo helay 90 neef oo ari ah oo la dhacay.
Waxaa howlgalkan laga fuliyey aagagga Kuro iyo Bonji.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in xoolahan laga soo dhacay Kambi Samaki iyadoona ugu dambeyn ariga lagu wareejiyey qofkii lahaa.
Waxaa sare loo qaaday roondooyinka amni ee aaggaasi si looga hor tago dhaca xoolaha iyo falal dambiyeedyada kale.
31-dii bishii hore ayay ahayd markii booliiska ismaamulka Laikipia ay sidan oo kale dib ugu soo celiyeen 37 neef oo isugu jiro ari iyo lo’ la dhacay.




