Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja Kirocho ayaa kenyaanka kula taliyay in ay si nabad ah u muujiyaan tabashooyinkooda marka ay sameynayaan dibadbaxyada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay mudaaharaad sameeyaan haddii aynan ku xadgudbayn xeerarka degsan.
Kanja ayaa xusay in toddobaadyadii ugu dambeeyay ay jireen dhimashooyin, dhaawacyo iyo burburin hantiyeed oo ka dhashay dibadbaxyada.
Waxaa uu bayaan ku sheegay in ay saaka heleen xog sirdoon oo tilmaamaysa in kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan ay doonayaan in ay ka faa’iidaystaan isku soo baxyada si ay dhibaatooyin u gaystaan.
Mas’uulkan ayaa dadweynaha u xaqiijiyay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta badqabka rayidka iyo hantidooda.