Booliiska oo mamnuucay in dibadbaxyo lagu qabto barta caasimadda ee CBD

0
445

Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei oo warbaahinta la hadlay ayaa meesha ka saaray qorshe kasta oo lagu abaabulayo mudaaharaadyo maanta ka dhacaya bartamaha magaalada Nairobi ee CBD.
Waxaa uu sheegay in booliiska lala wadaagin codsiyo ku aadan dibadbax lagu qabanayo afaafka hore ee baarlamaanka.
Bungei ayaa xusay in lala wadaagay dukumeenti aan sax ahayn oo ku taariikhaysan bishii Juun ee sanadkii hore kaas oo aan gaarsiisneen heerka ogolaanshaha dibadbaxa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kooxaha u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga ay qorsheynayaan in duhurnimada maanta bannaanbax ka sameeyaan afaafka hore ee baarlamaanka.
Boniface Mwangi oo ka mid ah shakhsiyaadkan ayaa sheegay in ay 15-kii bishan booliiska ku wargeliyeen qorshaha bannaanbaxa.