Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa ciidamada ammaanka ku amray inay si wayn uga hor tagaan dhaqdhaqaaqyada dadka wadanka ku soo galo sida sharci darrada ah.
Waxaa uu soo saaray digniin ah in qaar ka mid ah dadkan ay qorsheynayaan inay gudaha wadanka ka fuliyaan dembiyo culus.
Kindiki ayaa sheegay in ka dib xog uu ka helay dadweynaha uu ciidamada ammaanka amar cad ku siiyay inay raadiyaan oo ay gacanta ku dhigaan qof waliba oo gudaha dalka si sharci darro ah ku jooga.
Prof. Kindiki ayaa xilli uu shalay ku sugnaa deegaanka Ruiru waxaa uu sheegay in soo galootiga badankooda ay ku nool yihiin ismaamullada Nairobi iyo Kiambu.




