Booliska dalka ayaa ku boorriyay haweeney laga duubay muuqaal iyadoo lagu dhibaateynayo goob ay ka shaqeyneysay inay cabasho rasmi ah ka gudbiso dhacdadan lagula kacay.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa laga dhex maqlaya milkiilaha goob lagu caaweeyo oo u hanjabaya haweeneydan.
Waxaa uu milkiilaha ku hanjabayay inuu si toos ah u wici karo madaxweynaha dalka William Ruto islamarkaana uu awood u leeyahay inuu haweeneyda tallaabo ka qaado.
Haweeneyda ayaa dalbaneysay in la siiyo mushaarkeeda.
Waaxda qaran ee adeegga booliiska dalka NPS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay billaabeen baaritaano ku aadan arrintan.
Hasa ahaate aysan wax tallaabo ah ka qaadi karin milkiilaha haddii aysan haweeneyda cabasho gudbin.
Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska Kenya Nuur Gaaboow ayaa kula taliyay haweeneyda inay dacwad rasmi ah u gudbiso saldhig kasta oo booliis ah si ay tallaabada ugu habboon u qaadaan.
Falkan ayaa laga soo tabiyay magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado.
Muuqaalka ayaa waxaa aad uga carooday kenyaanka adeegsada baraha intarneetka oo ay bulshada kuwada xiriirto.
Waxaa ay booliiska ka codsadeen in ay arrintan guda galaan islamarkaana ay tallaabo sharci ah ka qaadaan milkiilaha.
PRESS STATEMENT ON MEDIA CIRCULATION OF ALLEGED HARASSMENT OF A FEMALE EMPLOYEE IN KITENGELA OVER PAYMENT. pic.twitter.com/2NgOzCkmxd
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) December 8, 2022