Ciidamada booliiska ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryey dad dibadbax ka sameynayay bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa mudaaharaadka hoggaaminayay shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha.
Waxay muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii Albert Ojwang’ oo dhawaan geeriyooday ka dib markii ay gacanta ku dhigeen saraakiisha ammaanka.
Dibadbaxayaasha ayaa dalbaday inuu xafiiska banneeyo ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Eliud Kipkoech Lagat.
Tani ayaa timid ka dib markii taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja uu sheegay in saraakiisha ay soo xireen Albert iyadoo laga falcelinayay cabasho sumcad- dhaawicid ah oo uu gudbiyay Lagat.
Xaaladda bartamaha dalka ee Nairobi ayaa sidatan ahayd.