Booliiska oo kala eryay xildhibaannada Azimio

0
350

Ciidamada booliiska ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo gaaray iridda laga galo xafiiska madaxweynaha ee daarta Harambee House.
Madaxdan ayaa socdaalkooda ka soo billaabay xarunta baarlamaanka .
Hoggaamiyaasha halkaasi tagay waxaa ka mid ahaa senatarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo , dhigiisa Kitui Enoch Wambua ,Robert Mbui (xildhibaanka deegaanka Kathiani), Rosa Buyu (wakiilka haweenka ee Kisumu),senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna , xildhibaanka deegaanka Ruaraka ,TJ Kajwang dhigiisa bariga Embakasi Babu Owino, mudanaha deegaanka Likoni Mishi Mboko iyo xubno kale.
Waxay siteen warqado ay doonayeen inay u gudbiyaan xafiiska madaxweynaha dalka si wax looga qabto qiimaha sarreeya ee maciishadda , in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo keydka doorashooyinka , in dib loo soo celiyo afartii sarkaal ee ka tirsanaa guddiga doorashooyinka ee shaqada laga istaajiyey iyo dib u habeynta guddiga IEBC.
Senatarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa sheegay inay maanta tagi doonaan xafiisyada kale ee dowladda si ay cabashooyinkooda ugu gudbiyaan.
Sifuna ayaa ciidamada ilaalinaya xafiiska madaxweynaha u sheegay in keliya ay doonayaan inay warqadda u gudbiyaan qofka qaabilsan sidaas awgeedna ay codsanayaan in loo yimaado.
Cod
Hasa ahaate wax yar ka dib booliiska ayaa siyaasiyiinta kala eryay.
Dhanka kale mid ka mid ah basaska rakaabka ayaa lagu soo warramayaa in saaka lagu gubay aagga waddada Ngong Road xilli uu iskudhac dhex maray saraakiisha booliiska iyo dibadbaxayaal.
Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday inay kala eryaan dibadbaxayaasha.
Mucaaradka Azimio ayaa maanta dhigaya dibadbax ay uga soo horjeedaan dowladda dhexe waxayna isku soo baxyadan saameeyeen howlaha gaadiidka ee ismaamulka Kisumu ka dib markii dibadbaxayaal ay waddooyinka dhigeen dhagaxaan sidoo kalena ay taayarro ku gubeen.
Waxaa tan iyo aroornimadii hore ee maanta si wayn loo adkeeyay amniga caasimadda dalka ee Nairobi.
Booliiska ee qaabilsan la tacaalidda rabshadaha ayaa laga howlgeliyay meelaha laga soo galo magaala madaxda sidoo kalena looga baxo.
Saraakiisha ayaa ku sugan waddooyinka Uhuru Highway ,Haile Selassie Avenue , Ngong Road ,qaybo ka mid ah xaafadda Ngara iyo agagaarka xarunta boostada guud ee G.P.O.
Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa bar kontoroollo ka sameeyay waddada aadda xarunta madaxtooyada ee State House .
Dibadbaxyada mucaaradka ayaa waxaa horay uga digay madaxweynaha dalka William Ruto iyadoo uu dhanka kale mamnuucay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japheth Koome.