Booliiska oo kala eryay macallimiin dibadbax ka sameeyay xarunta TSC ee Nairobi

0
293

Ciidamada booliiska ayaa maanta sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay macallimiin isugu soo baxay inay dibadbax ka sameeyaan xarunta dhexe ee guddiga adeegga barayaasha ee TSC ee magaalada Nairobi.
Macallimiintan ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan go’aan shaqo joojin loogu sameeyay ka dib markii ay ka gaabiyeen inay iska xaadiriyaan dugsiyo ku yaalla gobolka Waqooyi Bari oo ay wax ka dhigayeen.
Barayaasha oo cuskanayay sababo amni ayaa dalbanayay in halkaasi laga soo beddelo.