Booliiska oo kala eryay dibadbaxayaal isugu soo baxay bartamaha Nairobi

0
426

Ciidamada booliiska ayaa kala eryay dad isugu soo baxay bartamaha caasimadda waddanka ee Nairobi si ay u dhigaan mudaaharaad ka dhan ah hindise sharciyeedka maaliyadda.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka baarlamaanka dalka , xarunta madaxtooyada ee State House iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah.
Waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsiga ee bartamaha Nairobi.
Dhallinyarada ayaa ku adkeysanaya in ay ismaamullada kala duwan maanta ka sameyn doonaan dibadbaxyo iyadoo lagu wado in baarlamaanka uu akhrintii saddexaad mariyo qorshaha maaliyadda ee dowladda ka hor inta aynan u codeyn xildhibaannada.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa shalay sheegay in qofkii doonaya uu ka qayb qaadan karo dibadbaxa haddii uunan ku xadgudbayn xeerarka degsan .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanka ay sugayaan badqabka dibadbaxayaasha hasa ahaate aynan marnaba ka gaabin doonin la tacaalidda cidii rabshad ku kacda.